​Kalahaadkii Muqdisho: Xusuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991.

$12.50
Free shipping
In stock
+

Kalahaadkii Muqdisho waa xusuusreeb goobjoobe. Buuggani waxa uu ku saabsan yahay xusuusaha uu qoraagu markhaatiga ka ahaa ee bilowgii Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya iyo saamayntii ba’nayd ee naf iyo maalba galaafatay ee uu ku yeeshay magaalada Muqdisho iyo dadkii deggenaa. Waxa uu qoraagu akhristaha dhex joojinayaa Muqdisho, magaalamadaxda Soomaaliya, oo xilligaa dagaal lagu hoobtay oo isaga oo kale aan hore loo arag uu ka bilowday. Dad iyo duunyaba muddo gaaban ayaa silic iyo saxariiraha laga waraabshay. Sharaftii, bilicdii, iyo nabadgelyadii ay Muqdisho lahayd ayaa sidii in aanay waligeedba intaa midna yeelan loo rogay.
Taliskii xukunka ku dhegganaa ee Soomaaliya iyo jabhado ay muddo isku marnaayeen ayaa ugu dambayn magaalamadaxdii ummadda isla soo galay oo dagaal aan xeer iyo xigaalo midna dhowrayn magaaladii la isku la galgashay. Muddo gaaban gudaheed ayaa uu dagaalkii dawladda iyo jabhadaha u dhexeeyay weji qabiil oo foolxun la soo baxay, ka dib markii canaasiir dagaal-oogayaal ahaa oo labada dhinac ka socday ay danahooda gurracan ka dhex arkeen in ay dadkii magaalada wada degganaa qabiilba mid kale qaniinsiiyaan, derisba mid kale ku diraan, dhismayaashii magaalada burburiyaan, hantidii qaranka iyo tii gaar ahaaneedna la boobo.

Daabacaadii Garanuug,
Qoraagii: Yuusuf Maxamad Xayd,
Tarjume: Bodhari Warsame