Taariikhda Soomaaliya : Hannaankii Dowladnimo ee Saldanadda Geledi

$14.50
In stock
+

Buuggan waxa uu xambaarsan yahay taariikh mug weyn oo ku saabsan saldanadihii koonfurta Soomaaliya ka jiray gaar ahaan hannaankii dowladnimo ee saldanadda Geledi intii u dhexeysay sannadihii (1750 - 1920). Wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa qaab dhismeedkii saldanadda Geledi iyo habka ay u shaqayn jirtay, xiriirkii ay la lahayd maamulladii ka jiray koonfurta Soomaaliya iyo hiddaha iyo dhaqanka ay lahaayeen dadka reer Afgooye.

Buugga wuxuu si qoto dheer u sharaxayaaa taariikhda magaalooyinka Afgooye, Marka, Baardheere iyo Luuq. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa meelo badan oo ka mid ah deegaannada ku yaalla labada webi ee Jubba
iyo Shabeelle.

Buugga waxa uu ka sheekaynayaa sooyaalka boqortooyooyinka/saldanadihii ka jiray koonfurta Soomaaliya sida boqortooyadii Ajuuraan, boqortooyadii Biimaal, saldanaddii Geledi, saldanaddii Gasaargude iyo saldanaddii Hiraab.

Buugga waxa uu sharraxayaa taariikhda hoggaamiyeyaal magac lahaa sida Sh. Ibraahim Sh. Xasan Yabarow (Aasaasihii jameecada iyo magaalada Baardheere), Sh. Cali Cabdiraxmaan (Majeerteen) (Daaci diinta faafiya iyo gabayaa), Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (Aasaasihii dhaqdhaqaaqa Daraawiishta) iyo Ustaad Cismaan Maxamed Xuseen (Aabbaha Federaalka Soomaaliya).

At the same price!

$20.00 $14.50
Beard Oil
$18.00 $15.00